Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka geysteen magaalooyinka Jamaame, Jilib iyo Bu’aale oo ka kala tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe..
Duqeyntan oo la sheegay in ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo cadaan ah iyo kuwa ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa waxaa ay beegsadeen saldhiyo Al-shabaab ay ku leeyihiin duleedka degmada Jamaame.
Howlgalkan lagu beegsaday saldhigyada Shabaabka ayaa ahaa mid qorsheysan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen mar kaliya in ay ku soo baraarugeen jugta Duqeynta Diyaaradaha ay fuliyeen.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in weerarka Jamaame lagu dilay Taliyihii howl galada Dalka Kenya Cabdirauuf Yuusuf oo loo yaqaano Abuu ayman iyo ku dhawaad 100 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa ayna saraakiisha sheegeen in la burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jamaame ee Gobalka Jubbada Hoose.
Dhanka kale labo duqeyn oo is xig xigay ayaa isla xalay waxaa ay ka kala dhaceen Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobalka Jubbada dhexe.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeynta lala beegsaday xaruntii maaliyada ugu weyneyd ee Al-shabaab, iyadoona la sheegay in waqtiga ay dhacaysay duqeynta halkaasi ay ku sugnaayeen guddiga maaliyada ee Al-shabaab, lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Halka duqeynta ka dhacday degmada Bu’aale lagu beegsaday saraakiil sare sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegayaan ilo madax banaan oo ku sugan degmadaasi.
Xubnaha lagu dilay duqeynta ayaa waxaa ka mid ah Mahad Karataay iyo ilaaladiisa, halka wararka is khilaafsan ay ka soo baxayaan dilka Mahad Karataay.