Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u qaaday Ciidamada Xoogga iyo kuwa mareykanka ,waxaa uuna ka dhacay deegaano ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Muqdisho.
Duqeynta ayaa waxaa lagu dilay 3 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaa ayna ciidanka ka fuliyeen deegaan qayaas ahaan 40 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, inkastoo aysan sheegin Taliska deegaanka ay duqeynta ka geysteen.
Taliska Mareykan ee Africom ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa ay dhowr jeer duqeymo ay ka fuliyeen deegaano ka tiran gobalada dalka oo ay ku sugyihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyagoona Khasaaro lixaad leh gaarsiiyay.


