Somali News

Duqeyn lala beegsaday shabaab oo ka dhacday gobolka Shabelaha Hoose

Muqdisho-KNN-Taliska Mareykanka qeybtiisa Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa war qoraal ah oo ay soo saareeen waxaa ay ku sheegeyn in duqeyn ay ka fuliyeen soomaaliye ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha Mareykanka oo gacan ka helaya  ciidamada Soomaalida,waxaana si gaar ah ay duqeynta kaga dhacday meel 40KM  koonfur galbeed magaalada moqdisho ka xigto.

Taliska ayaa sheegaya in duqeynta ay dhacday 27-ka bishan oo ku began labo maalin ka hor,islamarkaasina duqeynta lagu dilay 3 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.