Somali News

Duqeyn lala beegsaday dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa gobolka Mudug

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn ay diyaarado dagaal ay la beegsadeen saldhigyo ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku leeyihin deegaan ku yaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Caad iyo Camaara ee gobolka  Mudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta xooggan ee gantaalada lala beegsaday goobaha ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan weerarkaasi.

Sidoo kale, xogaha horadhaca ah ayaa sheegaya in goobaha la duqeeyay ay ka mid yihiin godad iyo dhul howd ah oo ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta ka dhacday deegaanka Samatar Madow oo u dhaxeeya magaalooyinka Caad iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliyaa sheegtay in duqeynta lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaannada u dhaxeeya magaalooyinkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgaallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Mudug, iyaga oo la wareegay magaalada Caad.