Somali News

Duqeyn Xalay ka dhacay Duleedka Balcad.

Balcad-KNN-Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ay duqeyn  ka dhacday deegaan lagu magacaabo Basra oo  duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay  ka taliyaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxaa ay sheegeen in xalay abaarihii 12:00 saq dhexe  ay deegaanka Basra ka maqleen jug xoogan oo loo maleynayo inay tahay duqeyn lala beegsaday saldghigyo  ay joogeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in duqeynta lala beegsaday goob ay isku ku sugnaayeen Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin arintaasi.

Illaa iyo hadda lama oga in duqeynta aheyd mid diyaaradeed ama madaafiic laga riday saldhigyada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin agagaarka Balcad.

Duqeymaha ayaa inta badan waxaa fuliyay diyaaradaha Mareykanka, iyagoona Bartilmaameysada Xarumaha shabaab ay ku leeyihiin Gobalada Dalka.