Somali News Uncategorized

Duqeyn xalay ka dhacday Gobalka Hiiraan

Beledweyne-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa  ay duqeymo  ka fuliyeen  deegaano ka tirsan gobolka hiiraan  oo ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanada ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah  Galxamure, Astaan iyo degaano kale oo hoostaga Magaalada Beledweyne ee Gobalka hiiraan

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee gaaray Al-Shabaabkii la duqeeyay.

Mareykanka ayaa waxaa ay kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan oo ay joogaan Al-Shabaab.