Somali News

Duqeyn xalay ka dhacday Sh.Dhexe.

Muqdisho-KNN-Wararka ay KNN ka helayso deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ah ay weerar iyo duqeymo ku qaadeen Saldhig dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhaceen saldhigyo ay  dagaalamayaasha  Al-Shaabab ku leeyihiin deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay Xubno isugu jira saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeynta iyo weerarkii xalay ka dhaca deegaanka Gamboole ee Gobalka shabeelaha dhexe.