Somali News

Duqii hore ee Muqdisho oo ka walaacsan amniga G/Banaadir

Muqdisho-KNN-Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ahna Duqii Muqdisho oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa walaac ka muujiyay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho kadib markii ay kordhayn weerarada Al-shabaab.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in aan wax isbadal ah laga faa’idi doonin dib u habeynta lagu sameeyay taliyaasha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee degmooyinka Gobalka Banaadir iyo xilalka qaar ee Qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir, waxa uuna ku taliyay in isbadalka laga sameeyo xilalka sare ee hey’adaha amniga Soomaaliya.

DF-ka Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay xil wayn iska saarto amaanka Shacabka Soomaaliyeed ee Gobalka Banaadir isagoo dhaliilay in wadooyinkii la xiray amnigiina aanan waxba laga qaban.

Hoos ka dhageyso Wareysiga Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale