Uncategorized

Duubabka dhaqanka oo ku baxaya khilaafka G.Shacabka.

Muqdisho-KNN-Dubaabka dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee soo dhisay Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xoog leh ka muujiyay khilaafka ba’an ee ka dhax oogan xubnaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugaas Maxamed Wali Ugaas Xuseen oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in ay dhawaan soo sarayaan go’aankooda ku aadan khilaafka Baarlamaanka hadii uu socon waayana baaqa iyo go’aanka ay soo saaraan ay toos usoo dhax geli doonaan.

“Guddi aan leenahay ayaa arintaan ka shiray waxaana soo saareynaa baaq iyo talooyin, hadii ay wax ku qaadan waayaan toos ayaa faraha usoo gelin doonaa annagoo taageero weydiisameyno Beesha caalamka” ayuu yiri Ugaas Maxamed Wali.

Khilaafka golaha shacabka Soomaaliya ayaa gaaray meeshii ugu sareysay waxa uuna saameeyay hay’adaha kale Dowladda, sida fulinta iyo Hay’adaha amaanka Soomaaliya.