Uncategorized

Duufaan horleh oo ku dhufatay jasiiradaha Caribbean-ka

Duufaanta loogu magacdaray Maria ayaa la filayaa in ay noqota mid halis ah iyadoo u sii dhawaannaysa, jasiiradaha Leeward ee Caribbean-ka.

Duufaantan heerkeedu yahay darajada koobaad ayaa si degdeg ah u sii xoogaysan doonta 48-da saac ee soo socota, jasiiradahaas ayayna ku dhufan doontaa Isniinta, sida ay ku warrantay waaxda qaran ee arrimaha duufaanta Maraykanka ee NHC loo soo gaabiyo.

Duufaantan ayaa u socota si aad ugu dhaw dhankii duufaanta Irma, taas oo bishan burburisay gobolka.

Digniinta duufaanta ayaa laga soo saaray Guadeloupe, Dominica, St Kitts and Nevis, Montserrat and Martinique.

Maraykanka, British Virgin Islands St Martin, St Barts, Saba, St Eustatius iyo Anguilla ayaa hadda igununa isha ku haya duufaanta.