Uncategorized

Duufaan kusoo foolleh Xeebaha Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dufaan  Dabaylo iyo Roobab wadata ayaa la filayaa in ay ku dhufato Goboladda Woqooyi ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, Dhuufaantaan oo lagu magacaabay “Kow” ayaa kasoo bilaabeysa Woqooyiga badweeynta Hindiya waxaana la rijeeynayaa in ay saameeyso qaybo badan oo ka mid ah Goboladda Somaliland iyo Puntland 24-ka saac illa 48-da sac ee soosocota.

Duufaantu waxay dhulka puntland kasoo wajaheeysaa Xeebaha 24-kansaac ee soo socda waxayna kusii faafeeysaa dhinaca Deegnaadda Soomaliland iyo goobo bartama ka mid ah, sida lagu sheegay Digniin lagu daabacay Website ka Relif web.

Dabeeylo adag iyo roob culus ayaa sidoo kale maridoona deegnadda ay Duufaantu ka dhici doonto.

Sidaa darted waxaa lagu talinaya in loo sii diyaargaroobo Dabeeylo adag oo sababi kara bur-burka dhismooyinka iyo wadooyinka jilicsan, Daadad ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in ay ku dhuftaan deegaanadaas.

Kasokoow digniintaan lasoo saaray majiro diyaargaroow ay maamuladda Deegnadda Digniintu kusocota duufaanta ugu diyaar garoobayaan.

Barnaamijka Biyaha Soomaaliya iyo Maareeynta Warbixinadda dhulka ee Heeysadda FAO ayaa il gooni ah ku haya Xaaladda Duufaantaan waxaa lasheegay in Barnaamijkaan uu ka talo bixindoono Halka Duufaantu ay mareeyso iyo Xaaladeeda.