Uncategorized

Duufaan xoogan oo ku dhufatay gobolka Texas ee dalka Maraykanka

Duufaan xooggan ayaa ku dhufatay gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Duufaanta ayaa saacadii jareysa 215 kiilo mitir taasi oo ah mid heerkeedu sarayo.

Waxaa la filayaan in duufaanta ay noqoto tii ugu xumayd oo muddo 12 sano ah ku dhufata gobolkaasi Texas.

Duufaanta oo ah mid xoog badan ayaa waxa weheliya roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’aya.

Madaxwayne Donald Trump ayaa ku dhawaqay in duufaantan ay tahay musiibo islamarkana dowlada dhexe ay gargaar gaarsiin doonto goobaha ay sida ba’an u saamaysay.

Gavanatooraha Texas Greg Abbott ayaa ka digay in fatahaado ay ku dhufan doonaan degaano badan.

Duufaantan oo khubarada ay sheegeen in ay tahay mida heerka afaraad loo yaqaano ayaa dhulka dhigtay geedo magaalada Corpus Christi.

Kumanaan qof ayaa ka cararay guriyahood gobolka Texsas ee dalkaasi Maraykanka.

Duqa magaalada Rockport ,Patrick Rios ayaa ku baaqay in dadka degan magaalada oo tiradooda dhan tahay 10,000 oo qof sida ugu dhaqsiyaha badan halkaasi looga daadgureeyo.

Mr Patrick ayaa sheegay in dadka ay ku xannibmeen guriyaha halkaasi oo saqafyada ay soo dumeen islamarkana shaqaalaha gurmadka ay waayeen meel ay u maraan sida uu ka soo xigtay talafishinka CBS.