Somali News

Duufaanta Fani oo dad ku dishay qaybo kamid dalka Hindiya

Muqdisho-KNN-Duufaanta Fani oo kamid ah duufaanada ugu xoogan ee ku dhufta dalka Hindiya mudo tobanaan sano ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof.

Sida ay ku waramayso warbaahinta Hindiya goobaha ay sida xun u saamaysay Duufaanta ayaa waxaa kamid ah bariga gobolka Odisha.

Sidookale saraakiisha Bangladesh ayaa ku waramay in malaayiin ruux iyagoo bad qaba laga soo badbaadiyay goobihii ay Duufaantu saamaysay.

Gobolada qaar ay duufaantu saamaysay ayaa lahakiyay doorashadii kasocotay cabsi laga qabo in ay kororto saamaynta duufaanta.

Masuuliyiinta dowlada ayaa ku baaqay in gargaar loo fidiyo dadka ay wax yeeladu kasoo gaartay Duufaanta Fani oo ku dhufutay qaybo kala duwan oo kamid ah dalalka Hindiya iyo Bangladesh.