Uncategorized

Duulimaadka Beladweyne oo maanta hakad ku jira.

Beladweyne-KNN-Waxaa maanta shaqeyneen Garoonka diyaaraha ee magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan kadib roob xoog leh oo Biya dhigay garoonka.

Maamulka magaalada Beladweyne ayaa Idaaacadda Kulmiye u sheegay in xalay roob xoog leh oo gobalka ka da’ay sababay in uusan maanta shaqaynin Garoonka diyaaradaha waxaana la joojiyay in garoonka ay diyaaraha ka soo degaan ama ay ka duulaan.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa meelo ka mid ah gobalka Hiiraan waxaa ka hooray roob ay dadka iyo duunyada ku diirsadeen kaas oo meelaha qaar biya dhigay.