Somali News

Duuliye u dhashay Myanmar oo badbaadiyay tobanaan ruux oo saarnaa diyaarad ay ciladi ku timid

Muqdisho-KNN-Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa si nabdoon ku dejiyay diyaarad aan lahayn cagaha hore kaddib markii qalabka diyaaradda lagu dejiyo ay ciladi ku timid.

Diyaaradda qaranka ee Myanmar aya ku taraaraxday wadada diyaaraduhu ku deggaan ee gegida diyaaradaha ee Mandalay ka hor inta aysan joogsanin

Duuliyaha diyaarada noocedu yahay Embraer 190, ayaa lagu amaanay in si wanaagsan diyaaradu u dejiyay iyadoo dhammaan 89-ka rakaab ee sarnaa ay waxba soo gaarin.

Captain Myat Moe Aung ayaa laba jeeer ku wareegay garoonka si kooxaha ku shaqada leh, degidda diyaaradaha ay u ogaadaan, wax ka khaldan. Ayay sheegtay shirkadda diyaaraduhu.

Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad ee shil diyaaraded ah ee ka dhacda dalka Myanmar todobaadkan gudihiisa.

Arbacadii , ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay dalka Bangladesh ay ku simbiririxootay gegida diyaaradaha ee Yangon oo ay ku dhawacmeen 17 qof oo saarnaa.