Somali News

Duullimaadkii ugu horreeyay ee qaxooti laga soo qaaday UK lana geyn lahaa Ruwanda oo la baajiyay.

Duulimaadkii ugu horreeyay dadka magangalyo doonka ah ee lafilayay in loo qaado dalka Rwanda kuwaasi oo laga qaadi rabay dalka UK ayaa lajoojiyay daqiiqado uun kahor xilligi bixitaanka rakaabka.

kadib markii ay sooo faragelisay maxkamadda sare ee xuquuqul insaanka  qaaradda Yurub taasi oo ay sheegtay in ay jiraan caqabado dhinaca sharciga ah oo kugedaaman daabulidda dadka magangalyo doonka ah ee ladoonayo in lageeyo dalka Rwanda oo dhaca Bariga Qaaradda Africa.

Maxakamaddaa sare ee xuquuqul insaanka uqaabilsan qaaradda Yurub ayaa sheegtay in dadka aan laqasbi Karin ilaa iyo inta maxkamadda sare ee ingiriiska ay dib u eegeyso go,aanka UK ee dadka looga saarayo dalkaasi.