Sports

Eden Hazard: ‘Chelsea waxay dooneysaa afarta sare Premier League iyo ku guulaysiga FA Cup”.

Muqdisho-KNN-Eden Hazard ayaa carabka ku adkeeyay in Chelsea ay dooneyso inay xilli ciyaareedka ku dhameysato afarta kooxood ee ugu sareysa Premier League kuna guulaysato koobka FA Cup.

Blues ayaa haatan kaalinta shanaad kaga jirta horyaalka, shan dhibcood ka dambeysa Tottenham Hotspur, iyadoo afar kulan oo horyaalka ah ay u harsan tahay inay ciyaaraan xilli ciyaareedkan.

Antonio Conte iyo kooxdiisa Chrlasea ayaa hiigsadag finalka FA Cup iyadoo 2-0 kaga badisay Southampton, waxaana ay Manchester United kula ciyaari doontaa Wembley Stadium 19ka May.

Hazard ayaa ku faraxsan inuu arko Chelsea oo weli ku jirta inay hesho koob xilli ciyaareedkan, waxaana uu sheegay in ciyaartoyda aysan ku qanci doonin wax ka yar afarta kooxood ee ugu sareysa horyaalka iyo koobka FA Cup inay qaadaan.

“Wax walba waannu siinay waana tagnay Finalka FA Cip” ayuu ciyaaryahanka reer Belgium u sheegay BBC Sport. “Waxaan ciyaarnay kubad fiican, gaar ahaan qeybtii labaad, waxaana xakamaynay ciyaarta.

“Hadda waxaan tageynay finalka waase ka fakarayna tartanka horyaalka Premier League mar kale si afarta sare aan uga mid noqono, ka dibna waxaan ka fekereynaa finalka Manchester United.

“Waxaan ku riyaaqi doonaa finalka hadda … waxaan dooneynaa inaan ku dhameysano afarta kooxood ee ugu sareysa, islamarkaana aan ku guuleysano FA Cup, taasi waa bartilmaameedkeena”.

Chelsea ayaa isku diyaarineysa kulamadoodii 2017 iyo 2018 kulan ay la ciyaari doonto Swansea City, Liverpool, Huddersfield Town iyo Newcastle United.

Qalinkii: Aadam Aqyaar