Sports

Eden Hazard oo ka hadlay falsafada macalin Sari

Eden Hazard ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qeyb ka ahaado kooxdiisa Chelsea kulankii ay xalay 3-2 kaga badiyeen naadiga Arsenal, isagoo intaa ku daray inuu yahy Maurizio Sarri “tababare weyn”

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa kursiga keydka ku soo bilowday ciyaartii xalay Stamford Bridge waxaana uu goolka guusha uu dhaliyay Marcos Alonso caawiye ka ahaa.

Hazard ayaa dib ugusoo laabtay kooxdiisa ka dib markii uu ku guuldareystay Koobka Adduunka ee Russia inuu ku hogaamiyo xulkiisa, isagoo sidoo kale keydka kusoo bilowday kulankii isbuucii hore ay 3-0 kaga badiyeen kooxdiisu Huddersfield Town.

Isagoo la hadlayay BT Sport ka dib markii Blues ay ku guuleysatay London derby, Hazard ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay taageere weyn macalin sarri.

“Way fiican tahay inaan garoonka ku jiro inta aan ka daawanayay kursiga keydka waaa ay wanaagsanaayeen, sidaa darteed waan ku faraxsanahay guusha,” ayuu yiri.

Hazard ayaa diiwaangashaday 41 caawin oo Chelsea ah, isaga oo dhaafay Cesc Fabregas, waxaana uu ka dambeya Frank Lampard oo 90 caawiyay, Didier Drogba oo 55 caawiyay iyo Gianfranco Zola oo 42 caawiyay.