Sports

Emre Can oo ogolaaday heshiis shan sanno ah oo uu ugu biirayo Juventus.

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Emre Can ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gabagabeeyay mustaqbalkiisa, isagoo qandaraas shan sano ah u saxiixay kooxda heysata horyaalka Serie A, Juventus.

Hase yeeshee, Liverpool ayaa rajeyneysa in 24 jirkaan uu heshiis cusub u saxiixi doono Anfield.

Si kastaba, La Gazzetta dello Sport ayaa sheeganeysa in laga yaabo inay ugu danbeyn go’aan ka gaarto mustaqbalkiisa kooxdiisa, islamarkaana u dhaqaaqi doona Juventus si xor ah xagaaga soo aadan.

Heshiiskan, ayuu arki doona ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka 6 milyan oo ginni xilli ciyaareedkii inuu ku qaati magaalad Turin, ayaa lagu dhawaaqi doonaa ka dib finalka Champions League, kaasoo laga yaabo inuu ka soo muuqdo Liverpool ka dib markii ay 5-2 kaga badiyeen Roma lugtii hore semi-final-ka toddobaadkii hore waxayna u muuqataa inay fi alka tiigsanayso lugta labaad hadaysan wax isbadalin.

Wuxuu Liverpool la joogay ilaa 2014, isagoo 166 kulan u saftay kooxda isagoo dhaliyay 14 gool.