Somali News

Eng Yariisoow”Qalinleydu waa in ay qalinkooda dalka ku difaacaan”

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa habeenimadii xalay aheyd waxa uu casho sharaf usameeyay guddigii soo qabanqaabiyay cawarwada buugaagta Muqdisho oo shalay galinkii danbe lasoo xiray.

Gudoomiye Yariisoow ayaa u mahadceliyay haldoorkii soo abuubulay iyo qorayaashii ka qeygalay, carwadii buugaagta ee dhawaan lasoo afmeeray ee ka dhacday Muqdisho.

Ugu danbeyn gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa usoo jeediyay bahda qalinleyda Soomaaliyeed in ay qalinkooda ku difaacaan dalkooda, umaddana had iyo jeer tusaan tubta toosan.