Somali News

Erdogan oo mar kale ku Guuleestay doorashadii ka dhacday Turkiga.

Muqdisho-KNN-Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa mar kale ku Guuleestay doorashadii ka dhacday Dalkaasi kadib loolan adag uu la galay Murashaxiin kale.

Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu helay tiro codad gaaraya 52.5, halka Murashaxa kale ee ku xiga oo ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.7, waxaana kadib bilaawday dabaal dagyo iyo Hambalyo ay jeediyeen hogaamiyaal badan.

Xisbiyada mucaaradka ee ka qeyb galay doorashada ayaa waxa ay muujiyeen cabasho, qaarkood ayaa sheegay in lagu shubtay codadkii la dhiibtay oo ay sax aheyn Natiijada la shaaciyay ee Madaxweynaha Turkiga helay.

Hor dhaca Codadkii la tiriyay boqolkiiba 99% waxay sheegaysaa in Codadkii doorashooyinka baarlamaanka ee xisbiga Madaxweynaha ee AK ay heleen 52.5, waxaa sidaas ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.