Somali News

Erdogan oo shaaciyey in Turkigu bilaabay tijaabinta gantaalihii uu ka iibsaday Ruushka

Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa jimcihii sheegay in uu xaqiijinayo in in ay bilaabeen tijaabinta gantaalada casriga ah oo ay kasoo iibsadeen dhigooda Ruushka.

Mareykanka ayaa horay u cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkiga ku tijaabinayso gantaalada S-400 oo uu Turkigu sameeyo.

Madaxwayne Erdogan ayaa wariyaal ku sugan Istanbul u sheegay in dowladda Mareykanka aysan quseen gantaalada ay tijaabinayaan, sidoo kalana aysan waydiineen wax ogolaansho ah oo ku aadan tijaabinta gantaalada.