Somali News

Xil. CC-Warsame oo kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada beesha caalamka

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swen iyo Xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa caawinta malaayiinta Soomaaliyeed ee hadda waajahaya xaaladda abaaraha iyo sidii loogu gurman lahaa.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha  ayaa kulan isna la yeeshay Danijira ha Boqortooyada Ingriiska Kate Foster.

Ergayga iyo Danjiraha UK ayaa wada sheekeysi dheer ka yeeshay siyaalaha boqortooyada Ingiriisku taageero uga geysan karto abaaraha ka jira Soomaaliya.

Danjire Kate Foster, ayaa ergeyga u ballan qaadday in wada shaqeyn joogto maadaama Dowladda Ingiriiska ah ay ka go’an tahay garab istaagga ummadda Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen.