Sports

Ernesto Valverde oo ka fikiraya inuu ka tago kooxda Barcelona

Muqdisho-KNN-Ernesto Valverde ayaa lagu soo waramayaa inuu bilowday inuu ka fekero booskiisa Barcelona, ​​inkastoo kooxda ay ku jirto inay dhameystirto kylamo ka dhiman ciyaarista kooxda oo horyaalka ah.

Barcelona ayaa 33 kulan oo ay ciyaartay iyadoo aan guul darro kasoo gaarin La Liga, waxaana ay hal kulan oo ay  badiso u jirtaa hanashada horyaalka, halka kooxda reer Catalan ay ku garaacday Sevilla inay kor u qaado Copa del Rey habeenkii sabtida.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda natiijadii xumeed ee Champions League ay kala kulmee ka dhisan Talyaniga ee Roma ayaa ku reebtay wareega quarter-finalka ayaa keentay inay su’aal ka keenaan mustaqbalka Valverde ee kooxda Barcelona, waxaana ay u muuqataa inuu 54 jirkaan ku bilowday inuu ka fikiro booskiisa.

Sida laga soo xigtay jariiradda AS, Valverde ayaa sheegay in laga yaabo inuu ka tago Barca dhamaadka xilli ciyaareedkan, sababtoo ah warar soo baxaya ayaa sheegaya in la ceyrin lahaa hadii uu seegi lahaa ju guulaysiga kulankii Copa del Rey ee isbuucaan.

Valverde ayaa la sheegay in ay taageero ka helayo qolka labiska, laakiin sida ay u taagan tahay, weli lama hubo haddii ay isbeddel ku dhici doonto ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa inuu yahy macalinka la hadal hayo inuu badali karo macalinka Barcelona Veverde .

Qalinkii:Aadam Aqyaar