Sida uu daabacay wargeyska Capital xukuumadda Ethiopia ayaa sheegtay in aanay waxba ka ogayn isbeddelka lagu sameeyay saami qaybsiga maalgashiga Dekedda Berbera oo markii hore Ethiopia laga siiyay 19 % laakiin hadda Somaliland sheegtay in go’aankaasi laga laabtay.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa hore u sheegay in Ethiopia aanay keenin maalgashigii laga rabay ee lagu siiyay 19%-ka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia ayaa sheegay in ay baadhayaan hadalka ka soo yeedhay Somaliland ee Dekedda Berbera ku saabsan.