Somali News

Ethiopia oo Xaqiijisay in uu Dhintay Gudoomiyihii Gobolka Amxaarada

Muqdisho-KNN-Dowladda Ethiopia ayaa xaqiijisay in uu dhintay Gudoomiyihii Gobolka Amxaarada oo markiisii hore ku dhaawacmay afganbigii fashilmay ee halkaasi kadhacay.

Sidookale waxaa ladilay latiyihiisii uu isagana kamid noqday dhawr ruux oo lagu dilay iskudayga afganbi.    

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa goor sii horeesay sheegay in taliyihii guud ee ciidamada dalka Ethiopia iyo sargaalkale latoogtay xilli ay isku dayayeen in ay kahor tagaan afganbiga. 

Rabshadaha ku salaysan qoomiyadaha ayaa sanadihii ugu danbeeyay ka dhacayay gobolka Amxaarada iyo gobolo kale.

Tan iyo markii uu talada lawareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed sanadkii lasoo dhaafay waxa uu isbadal ku sameeyay siyaasada dalkaasi isagoona xabsiyada kasii daayay boqolaal ruux oo mucaarad u badnaa.

Xafiiska Ra’iisuul Wasaare Abiy ayaa afganbiga fashilmay ku eedeeyay taliyaha amniga Gobolka, oo illaa iyo haatan la’ogeen halka uu ku xiranyahay.