Muqdisho-KNN-Inta laxaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay Sedax kalane dhaawac ayaa soo gaaray qaarx miino oo lala beegsaday ciidamo booliis ah oo marayay meel u dhaw warshadii hore ee Taraqa iyo Sigaarka ee Degmada Dayniine ee Gobolkaan Banaadir.
Wararka aan ka heleyno ayaa tilamamaya in mid ka mid ah ciidamada dhaawaca soo gaaray uu yahay dhaawaciisa mid daran, halka labada kale uu dhaawacooda yahay mid fudud.
Sida ay KNN u xaqiijiyeen dad ka agdhawaa goobta uu qaraxa lagula eegtay ciidamada dowlada ayaa sheegay in miinada loo maleynayo mid horay wadada loo giliyay.