Baraawe-KNN-Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya Weerar Madaafiic ahay oo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Markab taagnay Dekada macmalka ah ee magaalada Baraawe, kaas oo sahay u siday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkaas Madaafiicda ahay ee Al-shabaab ay ku qaadeen shalay galinkii dambe Markab shixnad Ciidan u siday AMISOM.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa Madaafiicda oo dhowr jeer ku dhacayay Xeebta magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo uu taagnay Markab saanad waday.
Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay in weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen Markab saanad u waday Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, Markabkaas oo taagnay Xeebta magaalada Baraawe ee xarunta maamulka K/Galbeed.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Bare ayaa sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan markab shixnad waday oo xeebta Baraawe ku soo xirtay balse aysan u suurta galinta.