Muqdisho-KNN-Waxaa saaki degan xaalada degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo xalay fiidkii uu ka dhacay dagaal culus oo socday muddo saacado ah, dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidamada xoogga dalka, kuwa Itoobiy oo dhinac ah.
Dagaalka ayaa markii hore ka dhacay afaafka hore ee degmada Buurdhuube iyadoo markii dambe gudaha degmada dagaalka uu ku soo fiday, Al-shabaab ayaa la tilmaamay in dhowr jiho dagaalka in ay ka qaadeen.
Nuur Kadiye Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga ee hogaaminya ciidamadaas oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Waxaana sidoo kale uu sheegay inay fashiliyeen weerarkaas, isla markaana khasaare xooggan ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii Al-Shabaab, ee weerarka ku soo qaaday.
Saraakiil kale oo KNN la hadlay dhankooda waxay tilmaameyn in ay dagaalkaas ku dileyn ku dhawaad 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.
Al-shabaab dhankooda waxay tilmaameyn in dagaalkii xalay ku qaadeyn degmada Buurdhuube ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku haynta degmadaasi.
Dhanka kale labo ruux oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkii xalay ka dhacay degmada Buurdhuube ee Gobolka Gedo oo ahaa kii ugu xooganaa ee muddooyinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaado degmadaas.
Marka laga tago sheegashada dhinacyadii dagaalamay majirto cid ka madax banaan dhinacyadii ku dagaalamay degmada Buurdhuule ee Gobolka Gedo oo xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona dadka deegaanka oo aan la hadalnay ay tilaameyn in dagaalka uu dhacay xili habeen ah isla markaana aysan xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee jira.