Somali News

Faafaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Gaarigiisa loogu xiray Arday dhigta Jaamacada Umaadda

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaarigiisa loogu xiray Rooble Cabdulaahi Xasan oo ka mid ahaa Ardayda Jaamacada Umadda ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,  una dhow Jidka Shaqaalaha.

Waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca loo yaqaano Isbaashiyo oo uu watay Rooble.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Rooble Cabdulaahi Xasan iyo Faaduma Maxamed Cali oo saarneed Mooto Bajaaj, markii uu qaraxa dhacayane ka agdhaweed Gaariga Rooble.

Rooble iyo Faaduma ayaa markiiba loola cararay goobaha caafimaadka si gurmad loogu fidiyo, iyadoona wali aan faafaahin laga bixinin sida uu qaraxa uu u soo gaaray iyo xaaladooda sida ay tahay hadda.

Ciidamada amaanka ayaa durbadiiba goobta soo gaaray halkaasi oo ay ka sameeyay baaritaano ku aadan cidda ka dambeysal Qarax looga xiray Gaarigiisa Ardaygaasi.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga heyaao Qaraxaasi.