Uncategorized

Faafaahino ka soo baxaya nin hubeysan oo weeraray jaamacad ku taala Turkiga

Muqdisho-KNN-Nin hubaysan ayaa toogasho ku laayay shaqaale ka tir sanay jaamacad ku taalla magaalada Eskisehir ee dhacda waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahiyay in ninka dhibka gaystay uu ahaa cilmi baadhe ka tirsan jaamacadda Osmangazi ee dalkaasi.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in la xiray ninkii weerarka geystay.

Weerarkaas ayaa dadka waxyeelada ka soo gaartay waxaa ka mid ahaa mas`uuliyiin ka tirsan Jaamacadda la weeraray, xog haye, macalimiin, sedax ruux oo kale oo ku dhaawacay sida ay ku waramay Tvga CNN.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in hadda ay wadaan baaritaano ku aadanay wixii ku dhaliyay ninkaan weerarka geystay, isla markaana su`aalo weydiinayay ninkaan.

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in ninka weerarka gaystay uu isku dayay in uu baxsado, balse uu markii dambe isa soo dhiibay, warbaahinta dawladduna waxay ninkaas ku magacawday Volkan

La soco wixii ka soo kordha.