Muqdisho-KNN-Dagaal culus oo qaatay saacado badan kuna bilaawday Qarax is-miidaamin ah ayaa saakay lagu qaaday degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelada Hoose waxa uuna u dhaxeeya Milateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.
Weerarka ayaa waxaa soo qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, oo sida aan xogta ku helnay tiro ahaan gaaraya 1,000 dagaalame, kuwaas oo shalay ku dhawaad 10 neef oo Geel ah loogu qalay duleedka degaanka Xawaadley, waxaana halkaas u khudbeeyay Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobalka Shabeellada Dhexe Sheikh Yuusuf Kabo-ku-dukade iyo xubno kale oo ka tirsan madaxdooda.
Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa noo sheegay in Gaari lagu soo raray waxyaabaha Qarxa uu ku bilaawday weerarka, kaas oo sida la sheegay ku qarxay meel ka fog xarunta la weeraray ee ay ku sugnaayeen Ciidamada xoogga dalka ee maalmihii la soo dhaafay gacanta ku hayey degmada Awdheegle, waxaana qaraxaas xigay dagaal toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisinka ciidanka xoogga.
Ku dhawaad 50 dagaalame oo Al-Shabaab ah ayaa dagaalka ku dhintay waxaana la sheegay in 11 dagaalame oo dhaawac ah Al-Shabaab looga qabtay dagaalka, waxaa sidaas noo sheegay Saraakiil ka tirsan Militeriga Soomaaliya ee Guutada 14-ka October.
Dhanka kale waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ah ciidanka xoogga dalka, ilaa Shan Askari ayaa naloo xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay kaga dhimatay dagaalkaas, sidoo kale waxaa Awdheegle diyaarad looga soo qaaday Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku dhaawacmay dagaalka kuwaas oo aan wali la xaqiijin tiradooda rasmiga ah.
Ciidamada Militeriga Soomaaliya ee saakay la weeraray ayaa la sheegay in dhamaantood ay ka tirsan yihiin Guutada 14-ka October gaar ahaan Ururka 66-aad, kuwaas oo saldhig ay ku la haayeen Awdheegle lagu qaaday warar dhawr jiho ah.
Wararkii u danbeeyay ee aan ka helayno dagaalkaas ayaa sheegaya in dagaalku hadda joogsaday oo Al-Shabaab ay iska cabin xoogleh kala kulmeen ciidanka militeriga ee weerarka ay ku qaadeen, Saraakiisha hoggaminaysa ciidanka xoogga ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan degmada Awdheegle.