Uncategorized

Faah faahin:-Dagaal xalay ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Xaalada degmada deyniile ayaa wali waxaa ka taagan xaalad cabsi ah waxaana is hor fadhiyo maleeshiyo isku heesta Xerada saban saban ee ku dhaw dhismaha Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Dagaal soo bilaawday shalay galab ayaa xalay oo dhan si goos goos ah uga socday xerada iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxaana ku nafwaayay ilaa 3 qof inta la xaqiijiyay.

Dadka dhintay ayaa waxaa haleelay wiifto iyagoo qaarkood ay gur yahooda ku sugnaayeen.

Dad ka badan ilaa 10 ruux ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho kuwaas oo ku dhaawacmay rasaastii leys dhaafsanayay.

Ma jirto ilaa hada cid kala dhaxgashay waxaana wali socda abaabulka Gurmad ay helayaan labada dhinac.

La soco wixii ku soo kordha.