Uncategorized

Faah faahin dagaalkii Balcad ka dhacay.

Balcad-KNN-Ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhintay 9 kalane oo isugu jira Shacab iyo Ciidan Dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaal ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha amaanka Hirshabeelle ayaa KNN goordhaw u xaqiijiyay Gaarida 5 Askari iyo dhaawacyo soo gaaray Shacabk iyo Ciidan ka mid ah milatariga Soomaaliya.

Xaaladda deegaanka Golaley, gaar ahaan Tuulada Ilbaq ayaa la sheegay in hada ay degan tahay waxaana meel u dhaw ku sugan Ciidamada Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa Dhowrjeer weeraro ka geestay deegaanada ku yaala duleedka degmada Balcad, waxaana wali jirta Cabsida Al-shabaab ee ku aadan weeraro mar kale ay ka geestaan Inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.