Uncategorized

Faah-Faahin Dagaalkii ka dhacay Degaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose

Buula-gaduud–KNN– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Culus oo Al-shabaab ay ku qaadeen Degaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose islamarkaana 30 KM u jira Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa Weerarka ay ku qaadeen Degaanka Buula-gaduud oo ay Fariisin ku lahaayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland waxaa uu ku biloowday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Inta la Xaqiijiyay 33 Askari oo ka mid ahaa Ciidamadii ku sugnaa Buula-gaduud ayaa la soo Warinayaa in ay ku dhinteen Dagaalka ka dhacay Degaanka Buula-gaduud,waxaana Dhaawaca la sheegay inuu kor u dhaafayo 50 Askari.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in Weerarka ka dhacay Buula-gaduud looga dilay ku dhawaad 2o Askari islamarkaana ay dib ula Wareegeen Degaanka Buula-gaduud oo Saacado ay haysteen Al-shabaab.

Sidoo kale Goobjoogeyaal ayaa sheegay in illaa Saddex Gaari ay Shabaab Dagaalkaas ku qabsadeen,Gaadiidkaa oo kala ahaa Booyad,Gaari Xamuul ah iyo mid Dagaal.

Dhanka kale Ciidamo ka soo baxay Magaalada Kismaayo oo Gurmad ah ayaa Qaraxyo lagula beegsaday inta u dhaxeysa Buula-gaduud iyo Kismaayo,kuwaas oo doonayay in ay u Gurmadaan Ciidanka Lagu Weeraray Degaanka Buula-gadud ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana la sheegay in Afar Askari oo ka mida Ciidamada Jubbaland Qaraxa loo dhigay ay ku dhinteen.

Al-shabaab waxaa ay dhankooda sheegeen in Dagaalka Buula-gaduud ay ku dileen in ka badan 30 Askari,ayna ku qabsadeen Gaadiid Dagaal.