Uncategorized

Faah Faahin dagaalkii ka dhacay degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Balcad-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha dhexe sida ay sheegayan saraakiisha Dowladda iyo maamulka degmada.

Ugu yaraan 5 Askari ayaa la sheegay in ay ku dhintayn tiro kalane ay ku dhaawacmeyn dagaalkaasi waxaana sidoo kale halkaasi lagu gubay Gaari ay watayn Ciidanka la weeraray ee Soomaaliya.

Dagaalkaasi ayaa waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Raage oo caan ku ah magaca “Maxaa Raage” Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmada 

Dagaalkaasi ayaa la sheegay in lagu gubay Gaari ay saarnaayeen Ciidanka, Gaarigaas ayaa lagu magacaabaa Cabdi Bile ayaa la sheegay in lagu dhiftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in weerarkaasi ka dhacay deegaanka Haan-Sheekh.