Uncategorized

Faah faahin dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo deegaanka Haanta-dheer oo ku yaala wadda Warshadaha ee Magaalada Muqdisho oo ay saakay Aroortii hore ku dagaalamayn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa soo sheegayo in laga dareemayo xaalad daganaan ah.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo Ciidanka Xasilinta ayaa saakay ka bilaawday Fariisamo ay mudo dheer daganaayeen qaar ka mid ah Milatariga Soomaaliya waxaana la isku adeegsaday qaar ka mid ah hubka iyo midka fudud.

Sida Xiligii dagaaladii Muqdisho oo kale ayaa saakay mar quro dadka reer muqdisho ku baraa-rugeen rasaas culus oo dhaceysa iyo gaadiidka dagaalka oo ka qeyb qaadanaya dagaalkaasi waxaana jirtay hub culus oo ku dhacayay meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamay.

Barqadii maanta ayaa mar kale dib la isugu soo laabtay dagaalka, kadib markii ciidan dheeraad ah oo ay dadka deegaanka sheegeen in ay soo kala gaareen dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiisha Xoogga dalka ee ku sugan goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku haayo amar ciidanka lagu siiyay in ay ka guuraan xeryihii ay daganaayeen oo ah guryihii hore ee Ciidanka Soomaaliya, waxa uuna amar kaas qeyb ka yahay amaro lagu soo rogay dhamaan ciidanka iyo shacabka dagan guriyihii ciidanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa jirtay gudi ay magacaawday Wasaaradda Gaashaan-dhigga Soomaaliya oo la yiraahdo Gudiga dib u soo celinta Hantida Ciidanka amarkaan ayaana la sheegay in uu gudigaasi ka soo baxay.

 

Ugu yaraan 5 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in kabadan 10 kalane ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dadka dhintay iyo ku dhawaacmay ayaa u badan Shacab balse waxaa jirta khasaaro kale oo soo gaaray Ciidankii dagaalamay in kastoo aanan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

 

La soco wixii ku soo kordha.