Uncategorized

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso duqeyn ka dhacday Sh/Hoose.

Afgooye-KNN-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeyso duqeyn saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Maraykanka ay ka geysteen deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeynka Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya C/fataax Xaaji Cabdulle oo la hadlay KNN ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ilaa 6 qof oo katirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Maamulka Gobalka ayaa sheegay in Duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Iidow Jalaad oo khayaas ahaantii 30 KM u jira degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

C/fataax Xaaji Cabdulle  ayaa sheegay in xiligii falka uu dhacayay Shabaabku ay saarnaayeen Mooto Bajaaj halkaasi ku safraysay,mana jirto faah faahin intaasi sii dheer.

Al-Shabaab ayaa wajahaya Culees Military oo cir iyo dhul ah kaas oo looga jawaab celinayo Qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii October ee sanadkaan.