Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dil saakay Koox hubeysan degmada Xamar Jajab ay ugu geesteen Alle ha u naxariistee Gudoomiye Laameed ka tirsan degmadaasi.
Alle ha u naxariistee Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Foos Maxamed Xuseen waxaana ragii dilay ay ugu galeen Gurigeeda kadibna ay ku dhax toogteen sida ay noo sheegeen dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah Ehelada Haweeneyda la dilay.
Ciidamada amaanka ee degmada Xamar jajab ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana la sheegay in ay halkaasi ka sameeyeen Baaritaan mudo socda mana jirto wax dad ah oo lagu qabtay Howlgalkaasi sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Buundada 1aad ee degmada Xamar jajab waxa uuna Cabsi ku beeray dadka deggan goobta uu dilka ka dhacay.
Alle ha u naxariistee Haweeneyda la dilay ee Foos Maxamed Xuseen ayaa lagu badelay Gudoomiye Laameed-kii ka horeeyay oo sidaan oo kale Koox hubeysan u dishay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan Jahwareer dhinaca amniga ah, Shacabka Muqdisho ayaa qaba walaac Xoog leh iyo Cabsi badan waxaana joogto ka noqday dilalka iyo Weerarada Al-Shabaab.