Uncategorized

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso weerar lagu qaaday Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarahii ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaadayn Saldhigga Ciidamada Booliiska ee magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ee Puntland.

Weerarka oo isugu jiray Qaraxyo nuuca Bambaanooyinka ah iyo Dagaal toos ah ayaa dhacay fiidkii hore ee xalay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac sida ay noo sheegayn dadka deegaanka.

Ugu yaraan 1 hal qof ayaa ku dhintay in kabadan 3 kalane waa ay ku dhaawacmayn, dadka dhaawacmay waxaa ku jira Taliye ku xigeynka Booliiska magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi in ay qaadeyn, Shabaab ayaa sheegay in ay tiro ciidan ah ku dilayn weerarka kuwa kalane ay ku dhaawacmayn, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka magaalada Boosaaso ee Puntland iyo Guud ahaan Saraakiisha amaanka Puntland.