Boosaaso-KNN-Waxaa faah-faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan dhul-gariir cabbirkiisu yahay 4.8 heerka cabiraada dhul gariirada oo xalay ku dhuftay gudaha Badda Cas meel qiyaastii 138km u jirta magaalo xeebeedka Bareeda ee gobolka Bari.
sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka waxaa uu dhul Gariirkaasi gaaray 10km oo gunta hoose ee Badda ah.
waxaa uu dhacay xalay markii ay saacaddu ahayd 10:15 daqiiqo ee fiidnimo, inkastoo aan lasoo sheegin khasaare, hadana meesha uu dhulgariirku saameyay waa meel ay gaaraan doomaha Kaluumeeysiga.
Cali Shire Maxamuud Cusmaan Guddoomiyihii hore degmada Caluula ee Gobolka Bari oo Radio Kulmiye uga warbixiyey inta uu ka ogyahay dhul gariirka xalay Fiidkii ka dhacay Badda Cas ayaa sheegay in xalay dhul gariirkaas laga dareemay magaalada Bareeda, islamarkaana aan ilaa haatan la ogeyn wax khasaare ah oo uu geystay.
Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dhul gariirka ku dhuftay qeybo kamid ah Biyaha Gobalka Bari.
Hoos ka dhaqeyso Wareysiga Guddoomiyaha:-