Muqdisho-KNN-Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo ka dhaxay xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiyeyaashii degmooyinka Cabdicasiis Sabaax Cabdullahi Asad, Gudoomiyihii degmada Waabari Mahad Cilmi, Agaasimihii shaqaalaha maamulka Gobolka Cabdullahi Dheere iyo Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Cabdifitaax Xalane ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxaas.
Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame, Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Qof is-miidaamiyey ayaa waxaa la sheegay in uu isku qarxiyey gudaha hoolka shirarka oo ku dhexyaalla xarunta maamulka Gobolka Banaadir.
Wixii kasoo kordha kala soco KNN: