Uncategorized

Faah-faahin Haweeney Waayeel ah oo lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

Garasbaaley–KNN– Labo Wiil oo la sheegay in ay wateen Bastoolado ayaa Degaanka Garasbaaley Ee Duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney Da’ ah oo ka mid aheyd Dadka ku nool Degaankaasi Garasbaaley.

Goobjoogeyaal ku sugan Degaanka ayaa KNN u sheegay in Gurigeeda oo ku yaalla Garasbaaley lagu dhex Toogtay Alle ha u naxariistee  Siteey Maxamed Aadan oo la sheegay in ay jirtay 70 Sano kana mid aheyd Dadka ku nool Garasbaaley.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Garasbaaley oo aan la Xariirnay ayaa Xaqiijiyay Dilka Marxuumadda,waxeyna sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay Baariraano ka wadaan Degaanka Gudihiisa si Gacanta loogu soo dhigo Dadkii Dilka ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa Caadi ka noqday in Dilal Naxariis daro ah loo geysto Dadka Birmageydada ah, sida Waayeelada iyo Haweenka Uurka leh.