Buula-Barde-KNN-Guddoomiyaha degmada Buula-Barde ee gobalka Hiiraan ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in maanta qarax loo dhigay Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Jabuutiyaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka la giliyo ciidank loo dhigay, waxa ayna ka dhacday waddada aada Garoonka diyaaradaha ee degmada Buula-barde, waxaana ku dhaawacmay Labo ka mid ah Ciidanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan kuwa Jabuuti.
Maamulka degmada ayaa KNN u sheegay in dhaawacyada qaar fudud-yihiin balse uu ku jiro hal Askari oo dhaawac culus soo gaaray, waxaana la dhigay Isbitaal ay maamulaan Ciidamada AMISOM oo ku yaala magaalada Buula-barde ee gobalka Hiiraan.
Hore ayaa qarax nuucaan oo kale ah waxaa ugu dhintay Askariga ka tirsan Howlgalka AMISOM kaas oo todobaadkii hore ka dhacay degmadaasi.