Uncategorized

Faah Faahin ka soo baxayso Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay in ka badan 5 kalane waa ay ku dhaawacmeen Qaraxyo Miinooyin ah oo maanta Ciidamada AMISOM lagula eegtay Ex Control Balcad ee magaalada Muqdisho.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo tagay meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa KNN u sheegay in uu arkay dhimashada 3 qof oo la sheegay in ay ahaayeen Shacab iyo Dhaawaca 5 kale waxaana dadka dhintay ku jira Haweeney Shaah ku karineysa meel u dhaw halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada AMISOM ayaa xiray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana ay diideen in la qaado dadka dhaawacyada ah.

Gaari AMBULANCE ah oo tagay goobtaasi ayaa laga soo celiyay si uu usoo qaado Dhaawacyada waxaana  u diiday Ciidanka AMISOM ee halkaasi xirtay.

Goob jooge ayaa ii sheegay in ay maqlayaan Qeylida dad qaba dhaawacyo oo gurmad dalbanaya kuwaas oo shacab ah iyadoo ay Ciidanka ay ridayaan rasaas xoog leh taas oo baqdin gilisay shacabkii kale ee u gurman lahaa dhaawacyada.

 

wixii ku soo kordha la soco Insha Allaah.