Uncategorized

Faah Faahin ka soo baxeysa qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee saakay u dhintay qarax Gaarigiisa loogu xiray Marxuum Mahad Maxamed Nuur Cabdulle oo ahaa  Taksiile ka shaqeesta Magaalada Muqdisho waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qof kale oo rayid ah.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM4,waxaana uu ku qarxay ka soo horjeedda Hotelka Jazeera ee Muqdisho,

Marxuumka dhintay ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhalinyar ah waxaana dhalay Kornel Maxamed Nuur Cabdulle oo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya Guutada 21aad ee Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen laamaha amaanka.

lama oga sababta loo dilay marxuumka balse waxa uu dilkaan qeyb ka yahay dilalka rayidka loogu geesto Soomaaliya.