Uncategorized

Faah Faahin ka soo baxeyso 12 jir isku dilay Bastoolad uu lahaa Aabihiis

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa baaraya kiis dil ah oo xalay ka dhacay xaafad ku taala degmada waabari ee gobalka Banaadir kaas oo gacantiisa isugu geestay canug yar oo 12 sano jir ah.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Xaafadda Buurdheere Waaxda Hanti Wadaag ee Degmada Waaberi, waxaa la sheegay in Wiilka Is dilay uu ku fara-ciyaarayay Bastoolad uu lahaa Aabihiis oo ka tirsan Ciidanka Soomaaliya.

Wiilkaan ayaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali, wuxuuna aabihii kamid yahay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Canuga is dilay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Qaar ka mid ah Ciidamada Soomaaliya  ayaa gur yahooda ku heesat hub sida Bastoolad kuwaas oo mararka qaar isku dhibaateeyaan Qoyska dhaxdiisa.