Somali News

Faah-faahin kalloomeysato lagu la’ayahay xeebaha Puntland

Boosaaso-KNN-Laash ay saarnaayeen Shan ruux oo kalluumeysato ah ayaa todobaadkan lagu waayay xeebta gobolka Bari ee Puntland, sida uu xaqiijiyay Maxamuud Axmed Caynab oo ka tirsan mas’uuliyiinta gobolka Bari.

Maxamuud oo wareysi siiyay warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa sheegay in dadkaas kalluumeysatada la waayay maalintii Sabtida, oo ka baxeen xeebta degaanka Binna ee gobolka Bari.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu socdo gurmad xooggan oo lagu baadi-goobayo kalluumaysatadaas la waayay, ilaa hadana aan lagu guulaysan in helo raq iyo ruux toona.