Somali News

Faah-Faahin: Khasaaraha ka dhashay shilkii diyaaradda Air India oo siday 191-qofood

Muqdisho-KNN-Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas, sida ay saraakiil sheegeen.

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa sheegay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna ay u kala go’day labo qeybood.

Howlgal badbaadin ah ayaa hadda socda, waxaana goobta gaaray shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Ugu yaraan labo ruux, oo uu ku jiro duuliyihii diyaaradda, ayaa geeriyooday, sida ay dad xog-ogaal ah warbahinta u sheegeen.

Rakaab kale oo badan ayaa dhaawacmay, sida aan kasoo xigannay afhayeen u hadlay shirkadda leh diyaaraddaas.

Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye.

Duullimaadka ayuu lambarkiisa ahaa IX-1344.

Garoonka Calicut wuxuu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla gobolka Kerala, duullimaadyada ugu badan ee caalamiga ahna ay kasoo dagaan.