Uncategorized

Faah-faahin ku saabsan Xilka qaadista M/weyne kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka”Akhriso”

Cadaado–KNN— Iyadoo uu jiro Khilaaf u dhexeeya Madaxda Maamulka Galmudug islamarkaana hadda maraya Heerkii ugu Xumaa ayaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi waxaa ay sheegeen in ay Xilkii ka Xayuubiyeen Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug iyo Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Garab ka mida Baarlamaanka Galmudug ayaa shalay sheegay in ay Xilka ka qaadeen Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Galmudug,iyagoo horayna u sheegay in ay Xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dhamaan Mas’uuliyiintii Maamulka Galmudug ee Khilaafku ka dhax jiray ayaa Xilalka laga qaaday,waxaana Labada Dhinacba ay ku doodayaan in Aqlabiyada Baarlamaanka ay haystaan.

Wali waxaa Muuqata in Khilaafka ka dhex aloosan Hay’adaha Dowliga Galmudug uu yahay kii ugu Xumaa oo Heerkiisa laga Arko Degaanada Maamulka Galmudug,iyadoo Dowladda dhexe ay sheedda ka daawaneyso sida ay u socoto Riwaayadda.

Halkaan Riix si aad u Akhrisato Warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada